Thursday, Oct 30th

Last update07:06:09 AM GMT

You are here: Bulshada Sheeko Dhacdo Yaab leh: Gabdho American ah oo Kufsi ladamcay Wiil Yemeni ah (Warbixin).

Dhacdo Yaab leh: Gabdho American ah oo Kufsi ladamcay Wiil Yemeni ah (Warbixin).

User Rating: / 75
PoorBest 

iiroon.comDhacdo layaab leh ayaa dhawaan ka dhacday wadanka Maryekanka kadib markii gabdho American ah ay isku dayeen in ay kufsadaan Muwaadin Yemen u dhashay.

Wakaaladda wararka Mareykanka AP ayaa soo warisay in 5 kamid ah gabdhaha waxka dhigta jaamacadda Gobolka Arizoona ay qaadeen weerar culus oo ay ku kufsan lahaayeen muwaadin Muslim Yameni ah.

Gabdhahan shanta ah ayaa u yeeray Ardaygan waxkabaranayay Jaamacadda maadaama lagu jiray maalmihii fasaxa jaamacadda oo wax duruus ah aysan ka socon jaamacadda.

Warbaahinta Mareykanka waxay baahisay in 5 gabdhood ay jaceyl uqaadeen wiilkan Muslimka ah kadibna waxay go'aansadeen in wiilkan ku qasabeed galmood sharci darro qasab ah.

"waxay ku cadaadiyeen in uu dharka iskasiibo kadibna uu galmood sameeyo laakin waa ka diiday wuxuu ku qeylinayay Maya Maya diinteena Islaamka ee sharafta badan ma ogola galmood mayamaya"ayuu ku qeyliyay kadibna waxaa goobta soo gaaray Booliska.

Taliyaha Booliska Arizoona wuxuu xaqiijiyay in maxkamadda gobolka ay uyeertay gabdhaha dhamaantoodna ay qireen in ay kufsan rabeen muwaadinka Muslimka Yameniga ah.

Gabdhaha waxkufsaday ayaa marmarsiimo ka dhigtay maalinta isqaawinta ardayda jaamacadda oo kusoo beegantay soo afjariddii waxbarashada sanadka.

Dhacadan layaabka leh ayaa si weyn looga hadal hayaa gobolka Arizoona ee Mareykanka.

Add comment


Security code
Refresh

Jai Ho 2014
Happy New Year 2014
Happy New Year 2014
Happy New Year 2014
Share/Save/Bookmark